(Amsterdam) 31 Agoosto 2018 – Booliiska Dutch-ka ayaa toogasho ku dhaawacay nin ku eedaysan inuu laba qofood ku toorriyeeyay saldhigga tareenada Amsterdam, balse weli ma cadda waxa uu salka ku hayo weerarkani.
Dhibbanayaasha, iyo xitaa ninkii weerarka gaystay ayaa loola cararay isbitaal maxalli ah, sida ay Twitter-ka ku faafiyeen booliiska Dutch-ku. Dadkii safarka ahaa lagula taliyay inay saldhigga ka fogaadaan, kaasoo qayb ahaan la xirey, sida ay baahinayso warfaafinta dalkaasi.
Beelden van politie en hulpdiensten in Amsterdam CS terwijl het station nog wordt ontruimd. Getuigen spreken van een steek- of schietpartij, waarna de politie een schutter zou hebben neergeschoten. pic.twitter.com/JnnaWKEF2c
— Eppo König (@e_konig) 31 augusti 2018
Hilinka maxalliga ah ee AT5 ayaa sheegaya in shilkani uu salka ku hayay muran faraha ka baxay, kaasoo ku dhamaaday in uu ninkani labada qof toorriyeeyo. Boolis hubaysan oo goobta soo gaarey ayaa deeto toogasho ku dhaawacay eedaysanaha.
#amsterdam shooting pic.twitter.com/bOJH6zWILc
— NandoLeaks (@Nandoleaks) 31 augusti 2018
Hadalsame Media