(Milano) 31 Agoosto 2018 – Waxaa caawa fiidkii kulanka ugu horreeya todobaadka 3-aad ee horyaalka Talyaaniga ku ballansan labada camaaliqo ee AC Milan iyo AS Roma oo ku ballansan San Siro oo markii ugu horreeysey martigelinaysa Milan kaddib 103 maalmood.
Dhanka Milan: Waxay u muuqataa in daafaca Caldara uusan weli heli doonin fursad safka hore ah: Gattuso ayaa weli aaminsan lamaanaynta Musacchio-Romagnoli oo taagan qalbiga gaashaandhigga. Waxaa se dhici karta in Calabria la nasiyo oo uu Abate safto. Seddexda weerarka waxaa kusoo biiray Calhanoglu oo ganaaxnaa kulankii Napoli.
Dhanka Roma: Di Francesco ayaa dooran kara inuu u wareego shaxda 4-2-3-1 isla daqiiqadda 1-aadba. Khadka dhexe waxaa Cristante fooska ka xiga Nzonzi iyo qawaarka De Rossi. El Shaarawy ayaa laga door bidayaa Kluivert bilowgiiba. Santon ayaa isna ka horreeya Karsdorp si uu u bedelo Florenzi oo aan faya qabin.
Hadalsame Media