(Monaco) 31 Agoosto 2018 – Waxaa la sameeyay isku aadka Koobka Europa League oo ay ka qayb qaadanayaan 48 kooxoood oo kala yimi dalalka qaaradda Yurub.
Kooxaha tartanka ka qayb gelaya ayaa waxaa sanadkan ugu waawayn kooxaha AC Milan, Chelsea, Lazio, Arsenal iwm, wuxuuna sanadihii dhowaa yeeshay xiise gaar ah, maadaama ay kooxdii hanataa toos u tegi karto koobka CL.
Europa League oo oodda laga rogi doono 20-ka bisha Sebt ee berri bilaabmaysa, ayaa 29-ka Maajo lagusoo abyi doonaa garoonka Olympic Stadium ee ku yaalla caasimadda Baku, Azerbaijan.
Hoos ka eeg sida la iskugu aadey:
Hadalsame Media