(Nyon) 30 Agoosto 2018 – Wararka Talyaaniga ka imanaya ayaa sheegaya in AC Milan ay heli karto heshiiska walanteeriga ah ee Financial Fair Play, kaddib markii ay Elliott la wareegtey.
Kooxda Rossoneri ayaa waxaa horay u iibsadey ganacsade Chinese ah oo la yiraahdo Yonghong Li, Abriil 2017, iyadoo sidata qaan kasoo raacday maamulkii Silvio Berlusconi, waxayna ku dareen inay xagaagii 2017 ay lacago badan suuqa ku khasireenl, iyagoo rajeeynayay in ay UEFA xarigga u dheerayn doonto.
Balse, UEFA kalsooni kuma qabin sida ay wax u wadeen maamulkaasi, iyagoo uga dhaartay heshiiskii walanteeriga (voluntary agreement), iyo midka xeer jajabka (settlement agreement), intaana ugama harine waxay Milan kasoo eryeen Europa League.
Wixii intaa ka dambeeyay waxaa maamulka Milan Li kala wareegtey Elliott Management kaddib markii uu bixin waayay qaanrtii uu iyaga ka qabey, deetana waxay Milan rafcaan u qaadatay Maxkamadda Cadaaladda Ciyaaraha Court of Arbitration for Sport oo Milan u xukuntay inay kusoo noqoto Yurub, iyadoo UEFA loo sheegay in xukun macquul ah la yimaadaan.
Haatan sida ku qoran La Stampa, kooxda Rossoneri ayaa la siin karaa fursaddii ay bilowgii raadinaysay ee heshiiska walanteeriga ah ee (voluntary agreement), haddii ay Elliott la timaaddo qorshe dhaqaale oo kooxda dakhligeeda lagu caadiyayn karo.
Hadalsame Media