Xasan Sheikh Maxamuud oo dib ugu laabtay Muqdisho

0

(Muqdisho) 30 Agoosto 2018 – Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho oo u ka maqnaa muddo sanad ka badan.

Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaaladda Muqdisho waxaa goor dhoweed soo caga dhigtay diyaarad waday madaxweynihi hore Xasan Sheekh Maxamuud oo uu la socday Madaxwaynihii hore Galmudug Cabdikariin Guuleed.

Lama oga sababta soo noqoshadiisa hase ahaatee waxaa jiray xan sheegaysa ku dhawaaqista xisbi cusub oo uu hogaamin doono.

Dowladda  Soomaaliya ayaa xubno wasiiro ah u xil saartay soo dhaweynta Xasan Sheekh Maxamuud . Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku noolaa Magaaladda Ankara ee dalka Turkey.

Hadalsame Media