QAYLADHAAN ka timid maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xiran Cumaan (Dowladda oo ay baaq u direen)

0

(Sama’il) 30 Agoosto 2018 – Waxay warqad ay soo qoreen ku bilaabeen sidatan: ”Waxaa nahay 33 maxbuus waxaa xabsiga nooga dhintay 2 nin, baddana waxaa nooga dhintay hal nin waxa nala kala qabtay 3 jeer waxana nala qabatay 2010-dii dhexdeeda hada waxan xiranahay 9 sano waxaana ku xukumanahay 25 sano intaas waxa noo dheer in xabsiga an ku jiranay mudo.

”Waxaannu mudadaas la xiriiri jirnay dawladihii dalka soo maray iyo mida hada jirta ee uu hogaamiyo mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan kaloo aan la xiriirnay masuuliyiin ka tirsan Barlamaanka, Aqalka Sare iyo Golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihin Ra’Iisul Wasaare ku xigeenka iyo gabar u xilsaaran maxaabiista, Wasiirka Arimaha Dibedda iyo ku xigeenkiisa iyo Wasiir Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo sidoo kale Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

”Intas waxaa dheer in Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, markii 2017-kii uu safarka ku marayey Gobolada Dhexe, arinteena ay kala hadleen odayaal si gaar ahaaneed ula kulmay, uuna ka ballan qaaday in uu si deg deg ah wax uga qabaayo.

”Intaan xabsiga ku jirnay waxaa nala soo darsay xanuunno farabadan oo qaar kamid ah lagu sameeyay qaliimo caloosha iyo dhabarka ah birana lagaliyey qaar kalana ay ku dhacday sonkor, cuduradaas waxaanu u gudbin jirnay safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan.

”Dowladihii Soo maray Soomaaliya waa na hagradeen, waayo waxaannu xabsiga ku jirnaa muddo 9 sano ah, intaas cabshadeenu waxay gaartay madaxda dowladahaasi kan u sarreeya iyo kan u hooseeya wayna iska kaaya dhega tiri jireen, wuxuuna waqtigoodii ku dhamaaday, iyagoo bil hebla iyo bil hebla ayaa maxaabiis la keenayaa dhahaya.

”Waxaan nahay dadka waxqabadka u baahan ee Soomaaliyeed dadka koowda ka ah waxaan si xushmadi ku jirto uga codsanayaa madaxda hada hogaamisa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha dalka inay noo istaagaan wax qabad ficil ku jiro iyo hagar baxna noo sameeyaan. Waxaan nahay rag dhalinyaro Soomaaliyeed oo khaldantay, isla markaana doonaysa inay saxaan khaladkoodii si ay usoo celiyaan mustaqbalkoodii.” ayay kusoo afmeereen baaqooda.

QORAY: Afhayeenadda dhillinyarada ku xiran jeelka Samail, Cumaan, C/ Nuur iyo Cabdi Kariin Kilwe (Caana Cabe).

FG: Waxaan ka codsanaynaa qof kasta oo farriintaan gaarsiin karaya Madaxwaynaha iyo Raysal-Wasaaraha inuu masuuliyad iska saaro si walaalaheen dhibban wax loogu qabto.

Hadalsame Media