SAWIRRO: Olole nadaafadeed oo laga billaabay Istaadiyo Muqdisho

0

(Muqdisho) 30 Agoosto 2018 – Boqolaal ka tirsan dadwayneha Magaaladda Muqdisho ayaa maanta ka qeybgalay barnaamij loogu magac darray Is-Xilqaan oo hal abuurkeeda uu leeyahay Madaxwayneha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa laga sameeyey olole nadaafeed oo halkaas looga gurayay dhir fara badan iyo qashin waxaana tani ay qeyb ka tahay Olalaha Is-xilqaan oo Madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeybgalay olelaha maanta waxaana uu ka mid ahaa boqolaal dadwayneha Muqdisho ka tirsan oo ka qeyb qaadanayay nadaafadda Garoonka Sitaadiyo Muqdisho.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka baxeen garoonka muddo kadib.

Hadalsame Media