(Borlänge) 30 Agoosto 2018 – Waxaa lagu guda jiraa qaybta hormariska ee doorashada dalka Sweden heerarkeeda kala duwan sida heer degmo, gobol iyo qaran intaba, waxaana dadka doorashada ka qayb qaadanaya ee codaynaya ama loo codaynayo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan.
Halkan hoose ka DHEGEYSO…
Waxaa dadkaa ka mid ah Cabdi Xaaji Cabdullaahi oo ah xoghayaha & afhayeenka Jamciyad ka dhisan magaalada Borlänge oo magaceeda la yiraahdo Somaliska Pensionärsföreningen, taas oo ay leeyihiin dadka gaarey da’da shaqa ka fariisiga ee beenshinka, wuxuuna ka warramayaa bal xogta ay ka hayaan doorashada Sweden.
’’Xog nagu filan waa ka haysannaa, waxaana ka mid ah, inuu qofku doorto qofka iyo xisbiga uu doonayo, isla markaana uu qofku ogaado in uu xaq leeyahay, waajibaadna saaran yahay, ayuu yiri Cabdi Xaaji oo 69 jir ah.
Axsaabta kala duwan ee u ordaysa in la doorto waxay dadka usoo bandhigaan yaboohyo ku aaddan adeegyada ay qabanayaan bulshada, haddii iyaga loo codeeyo, haddaba maxay dadka waawayni u baahan yihiin?
’’Dadka waayeelka ihi waxay u baahan yihiin daryeel, waxbarasho gaar ah iyo caafimaad, weliba safafka isbitaallada safkoodu aad buu u dheeraaday, ayuu yiri Cabdi.
Cabdi Xaaji oo soo xiganaya maamulka degmada Borlänge, ayaa noo sheegay in ay doorashadii hore ee 2014-kii ay aad u yaraayeen dadka Soomaaliyeed ee u dareeray doorashada, marka si taa wax uun looga qabto sidee dadka ku gaaraan ugana dhaadhiciyaan inay doorashada ka qayb qaataan?
’’Dadka waan la kulannaa, kafee ayaan la cabnaa, waxaan kula kulannaa jardiinooyinka, masjidyada iyo goob kasta oo la iskugu yimaado, si looga dhaadhiciyo doorashada, ayuu qabaa Cabdi.
Sida uu sheegay Cabdi Xaaji, waxaa jamciyadda Somaliska Pensionärsföreningen, xubno ka ah in ka badan 40 qofood, ma jiraa haddaba xisbi gaar ah oo ay doorbidayaan inay u codeeyaan ama ay aragti siyaasadeed wadaagaan?
’’Waxaan nahay bulsho isku timid oo kala aqoon ah, kalana da’ ah. Xisbi gaar ah oo na kulmiyaana ma jiro, muhiimadeennu waa in codka la bixiyo, nin walbana aragtidiisa loo daayo, ayuu sharraxay Cabdi.
Doorashada hordhaca ah ama hormariska ah ee Sweden ee heer degmo, gobol iyo qaran ayaa bilaabatay 16-kii bishan Agoosto, iyadoo maalinta rasmiga ah ee loo muddeeyay doorashada Sweden ay tahay 9-ka bisha Sembtembar ee soo aaddan. Halka dadka ku nool dibedda Sweden ay codaynta bilaabeen 16-kii bishii Luulyo.
Hadalsame Media