
(Moscow) 30 Agoosto 2018 – Wasiirka Dibadeedka Ruushanka ayaa noqday ninkii ugu dambeeyay ee Maraykanka uga digey inuu isku dayo weerar qiil raadis ah oo kiimiko ah oo ka dhaca Suuriya, kaasoo uu ku doonayo marmarsiinyo uu dalkaasi ku weeraro, isagoo yiri: ”Dab haku ciyaarina”.
Sergey Lavrov ayaa ku celceliyay digniinta ku aaddan weerar camiraad ah oo kiimiko ah oo laga rido gobolka Idlib oo ay dowladda Suuriya doonayso in ay dib u qabsato, kaasoo ujeedkiisu yahay sida ay Ruushku ku doodayaan in weeraro ciidamada daacadda u ah xukuumadda Dimishiq.
“Waxay reer Galbeedku diyaarinayaan weerar cusub, si ay u wiiqaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Idlib,” ayuu ku dooday Lavrov oo shir jaraa’id la qabtay dhiggiisa Suuriya, Waliid Mucallem.
“Waxaan haynaa xogo dhab ah, digniin adag baanna u jeedinney reer Galbeedka, annagoo u marinayna wasiiradeenna dibedda iyo gaashaandhiga oo u sheegay in aysan dab ku ciyaarin.” ayuu raaciyay, iyadoo ay digniintani imanayso jeer ay Ruushku halkaa u direen maraakiibtii dagaal ee ugu badnayd.
Hadalsame Media