DAAWO: ”Weli ma dareemaysaa xanuunkii” – Sawirka shiday baraha bulshada!

0

(Monaco) 30 Agoosto 2018 – Waxaa fiidkan la sameeyay isku aadka  Champions League, balse waxaa jirey isku aad kale oo la yaab lahaa oo kasoo baxay munaasabaddii Monaco, kaddib markii ay UEFA ay Mohamed Salah hor fariisisey Sergio Ramos oo ay iskula dheceen final-kii CL.

Ramos, ayaa dood ka kiciyay baraha bulshada kaddib markii uu garabka ka dharbaaxay laacibka reer Masar, markii uu qaadanayay daafaca ugu wanaagsanaa tartanka, waana arrin laacibkaasi xusuusinaysa dhaawicii xanuunka badnaa.

Qof baa Twitter kusoo qoray in Salah maqnaanayo inta ka dhiman fasal-ciyaareedkan, kaddib markii uu ”dhaawac laga yaqyaqsoodo u gaystay Ramos”.


Hadalsame Media