(Muqdisho) 30 Agoosto 2018 – Xaafadda Soweto ee Magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay boob loo gaystay hanti ay lahaayeen dad Soomaaliyeed iyo ummado kale oo ganacsato ah.
Boobkaan ayaa ahaa mid saf balaaran ah waxaana gaystay burcad iyo dad dan yar ah oo ku nool xaafadda Soweto.
Dadka hantidooda la dhacay waxaa ka mid ah Somaali iyadoona sidoo kale la gubay dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Xaafadda uu boobkani ka dhacay ee Soweto ayaa ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn caalamka, waxaana ku yaala goobaha ganacsatada ajaanibta ee ugu badan dalka Koonfur Africa.
Ummadaha kale ee boobka uu sida weyn u sameeyay waxaa ka mid ah ganacsato u dhalatay dalalka Itoobiya, Pakistan iyo Bangladesh.
Hadalsame Media