(Perth) 30 Agoosto 2018 – Makhaayad laga cunteeyo oo ay Hindi leeyihiin ayaa waxaa gorodda loo geliyay ganaax kumannaan gini ah kaddib markii jikadooda laga helay hilibka xayawaannada dab joogta ah ee guryaha lagu haysto.
Cafe Marica, oo ku yaalla bannaanka magaalada Perth gaar ahaan Canning Vale, ayaa lagu amray inay bixiyaan ku dhowaad $14,000 oo doollarka Australia ah iyo weliba kharashka ku baxaya maxkamaddii dacwadda qaadday.
Milkiilaha oo la yiraahdo, Kopikaran Krishnasamy, ayaa makhaayaddiisa difaacey, isagoo ku doodaya in hilibkaa aan dadka macaamiisha ah la siinin, wuxuu kaloo keenay qiil la yaab leh, kaddib markii uu sheegay in hilibkaasi magaca bisadaha ama eeyaha loogu qoray in ay ka baxsadaan sharciyada adag ee u degsan hilibka caadiga ah ee la cuno.
Hadalsame Media