(Hawaii) 30 Agoosto 2018 – Askari ka tirsan saldhig ay ciidamada lugta Maraykanku ku leeyihiin gobolka fog ee Hawaii ayuu ku cadaaday dembi ah inuu hoos kala shaqaynayay ciidamada ISIS, kaddib markii tuhunkaa sanadkii hore.
PHOTOS: Ikaika Erik Kang, the Schofield soldier & Kaiser High School graduate arrested on suspicion supporting ISIS. https://t.co/wuJ0lWy0d4 pic.twitter.com/KWjkJpThG9
— Hawaii News Now (@HawaiiNewsNow) 11 juli 2017
Ninkan ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii loo degey xaalad cajiib ah oo ay soo agaasintey hay’adda dembi baariska maxalliga ah ee FBI oo iyadoo ISIS iska dhigaysa xaflad u qabatay, isagoo xubnihii xafladda joogey u qirtey inuu xiriir la leeyahay ISIS, waxaana gorodda loo surey xabsi 25 sano ah.
Ikaika Erik Kang, 35 jir, waa serjente ka tirsan dabaqadda 1-aad ee ciidamada lugta Maraykanka, wuxuuna qirtay 4 dembi oo khuseeya inuu agab iyo xog ku taageeray ISIS, wuxuuna noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee abid dembi noocan ah loogu qabto Hawai, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Maraykanka oo ay FBI-du hoos tagto.
Kang ayaa xabsiga loo taxaabay 19 Luulyo, in yar uun kaddib markii uu ku dhaartay inuu la wacatamay hoggaanka ISIS Abu Bakr al-Baghdadi, xaflad ay qabteen xubo dhar cad ah oo ka tirsan FBI, balse isaga iskaga dhigayay inay xubno sare ka yihiin ISIS.
Hadalsame Media