(Durban) 29 Agoosto 2018 – Kumannaan qof oo Koonfur Afrika u dhashay ayaa fariin isugu kala gudbinayay Barta WhatsApp-ka oo ay bulshada kuwada xiririito laga so bilaabo tan iyo 20-kii bishan Agoosto, sida ay Hadalsame soo gaarsiiyeen weriyayaal halkaa ku sugan.
Fariinta oo aan soo koobnay ayaa sidan u qorneyd: “Ku Socoto Shacabka Reer K/Afrika Waa fariinteenna ugu danbeeysa, waan ku daalnay soomaalida iyo Pakistan-ka iyo kuwa iyaga lamidka ah ee dukaamaha ku leh dalkeena.
”Waxay dileen maalin walba ama dilayaan qoysaskeenna, saaxibadeenna iyo caruurteenna hada dhalatay iyago u adeegsanaya rashiin bug ah ama macmal ah oo aan tayo iyo caafimaad laheyn, waxay samaysteen warshado u gaar ah oo aan dowladda u diiwaan gashaneyn, cabitaanno loo ekaysiyay ama laga minguuriyay kuwa dalka iyo dibedda lagu sameeyo ayay warshadahaasi soo saaraan.
”Kuwaas oo aan caafimaad ahaan wanaagsanayn hadii la cabo isla markaana cudurro badan ku riday dadkeenna 29-ka bishan (oo maanta ku beegan) qof waliba oo Koonfur Afrikaan ah waa in uu bannaanka usoo baxaa, miyi iyo magaalo qofkii joogaba qof shaqo aadi kara malaha maalintaas waa in sagaalka gobol ee dalka dadka jooga ay ku mudaharadaan ajaanibta ganacsiyada ku leh dalka.” ayaa lagu qoray farriintan la helay.
Hadaba Fariintan ma aha mid la dhayalsan karo, iyadoo ay meelaha qaar maanta rabshado boob ihi ka dheceen, waxana fariintan la isku diray ay qabsatay baraha bulshada maalimihii ugu danbeeyay, iyadoo qoraal iyo muuqaal ahba oo uu qof South Afrikaan ihi uu dadka ku wargalinayay bannaanabax ajaaninta looga so horjeedo.
Si gaar ah waxaan warbixintan ula wadaageyna Soomaalida ganacsiyada ku leh gobolka Kwazulu Natal, gaar ahaan magaalada Durban, weliba woqooyiga magaalada Durban soomaalida ganacsiyada ku leh, sida degaanNada Inanda, Ntuzuma KwaMashu oo u baahan inay aad u taxadaraan.
W; Diyaariyay: Cumar Kiyoow
Hadalsame Media