Wax kasta oo aad uga baahan tahay isku aadka CL oo berri la samaynayo

0

(Monte Carlo) 29 Agoosto 2018 – Waxaa berritoole oo Khamiis ah la sameeynayaa isku aadka Koobka Horyaallada Yurub dufcadda 2018/19 ee heerka guruubyada, saacadda Yurub marka ay tahay 18:00, waxaana munaasabaddu ay ku qabsoomaysaa Grimaldi Forum oo ah Imaaradda Monaco.

Nidaamkee loo raacaa sida ay kooxuhu u kala leeyihiin mudnaanta?

  • 26 kooxood ayaa si toos ah iskaga xaadirinaya heerka guruubyada oo qaab cusub loo sameeyay waxaana kusoo biiraya 6 kooxood oo kasoo gudbey kulamada kala baxa oo lakala ciyaaray 21/22 iyo 28/29-kii bishan Agoosto.
  • Kooxaha waxaa loo kala qaybinayaa 4 dheri. Dheriga 1-aad wuxuu ka kooban yahay kooxda haysata CL, midda haysata EL, iyo 6-da kooxood ee haysta 6-da horyaal ee ugu sarreeya dhanka qiimaynta UEFA. Halka dheriyada 2 ilaa 4 lagu go’aamiyo qiimaynta UEFA ee sida ay naadiyadu u kala sarreeyaan.
  • Kooxina kuma aadi karto koox ay isku dal ka socdaan, ama ay isku xiriir u diiwaan gashan yihiin sida kooxaha Faransiiska iyo AS Monaco, iyadoo hab-raaca rasmiga ah la shaaciyo in yar kahor munaasabadda qori tuurka.
  • Isku aadkani wuxuu sidoo kale go’aaminayaa kooxaha da’yarta ah ee ka qayb qaadanaya UEFA Champions League iyo UEFA Youth League.

    Kooxaha ka qayb qaadanaya isku aadka?

    Kooxda Real Madrid ayaa koobka difaacanaysa kaddib guushii Kyiv, bishii Maajo

    ESP: Real Madrid, Atlético Madrid, Barcelona, Valencia
    GER: Bayern München, Borussia Dortmund, Schalke, Hoffenheim
    ENG: Manchester City, Manchester United, Tottenham Hotspur, Liverpool
    ITA: Juventus, Napoli, Roma, Internazionale Milano
    FRA
    : Paris Saint-Germain, Lyon, Monaco
    RUS
    : Lokomotiv Moskva, CSKA Moskva
    POR
    : Porto
    UKR
    : Shakhtar Donetsk
    BEL: Club Brugge
    TUR: Galatasaray
    CZE: Viktoria Plzeň
    SUI: Young Boys
    NED: Ajax
    GRE: AEK Athens

    Kooxaha & sida ay dheriyada ugu kala jiraan

    DHERIGA 1-AAD
    Real Madrid (holders)
    Atlético Madrid (UEFA Europa League winners)
    Barcelona
    Bayern München
    Manchester City
    Juventus
    Paris Saint-Germain
    Lokomotiv Moskva

    DHERIGA 2-AAD
    Borussia Dortmund 89.000
    Porto 86.000
    Manchester United 82.000
    Shakhtar Donetsk 81.000
    Napoli 78.000
    Tottenham Hotspur 67.000
    Roma 64.000

    DHERIGA 3-AAD
    Schalke 62.000
    Lyon 59.500
    Monaco 57.000
    Ajax 53.500
    CSKA Moskva 45.000

    DHERIGA 4-AAD
    Club Brugge 29.500
    Galatasaray 29.500
    Young Boys 20.500
    Internazionale Milano 16.000
    Hoffenheim 14.285
    AEK Athens 10.000

    Koobka UEFA Champions League ayaa oodda laga qaadayaa 18-19 bisha soo aaddan ee Sebtembar, isagoo soo xirmi doona xilli todobaad qiyaastii ka dambaysa xilligii lasoo abyi jirey inta badan oo ah Sabti 1-da Juun 2019, garoonkuna waa Estadio Metropolitano, Madrid.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media