(Muqdisho) 29 Agoosto 2018 – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Chinaha halkasoo uu Madaxwayne Farmaajo ka helay casuumaad rasmi ah dhigiisa Shiinaha.
Wafdiga Madaxwayneha oo ka dhoofay garoonka caalamiga ee Magaaladda Muqdisho Aden Cade International Airport ayaa waxaa la filayaa in muddo sadex cishe ku dhaw ay booqasho ku bixiyaan Shiinaha.
Waxay ka qeybgali doonaan shir caalami ah oo dalka China ku martigaliyey madaxda qaaradda Afrika. Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ugu horeeya ee tartanta dhaqaale kula jira Maraykanka waxaana uu saameyn ballaaran ku leeyahay qaaradda Afrika.
Hadalsame Media