(Milano) 29 Agoosto 2018 – Jookarkii AC Milan ee Ricardo Kakà ayaa sidii aannu sii sheegnayba goor dhowayd soo caga dhigtay gegada Malpensa ee magaalada Milano, isagoo toos uga soo duulaya Sao Paulo.
Laacibkii hore ee Rossonero, oo berri sidoo kale marti u ah UEFA oo ku casuuntey samaynta isku aadka Champions League sidoo kalena Jimcaha daawan doona kulanka AC Milan vs AS Roma, ayaa bilaabaya qorshe uu ku dersayo sida uu u shaqeeyo maamul kooxeed, isagoo ka qalin daaranaya Leonardo iyo Maldini oo fadhiista xafiisyada maamul ee Casa Milan, isagoo kooxda u joogi doona Latin America sida lagu wado.
“Weli xilka aan qabanayo kama wada hadlin” – ayuu ku yiri warfidiyeenka.
Hoos ka daawo sawirrada Kaka laga qaaday markii uu kasoo degayay gegada Malpensa.
Hadalsame Media