ONLF iyo Itoobiya oo gaaray heshiis rasmi ah

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2018 – Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday heshiis rasmi ah oo ay la gashay Jabhadda Xoreynta Ogaadeenya ee loo soo gaabiyo ONLF taasoo muddo ka dagaalamaysay deegaanka Soomaalida.

ONLF ayaa dhawaan sheegtay inay joojisay dagaalkii ay kula jirtay Itoobiya, hadda kadibna ay xalka ku raadin doonto dariiq wadahadal.

Agaasimaha xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ninka la yiraahdo Fitsum Erega ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskaan dowladdiisu la gashay ONLF uu qeyb ka yahay Barnaamij ballaaran oo xukuumadda Itoobiya kula heshiinayso kooxo muddo sannado ah dalkaasi ka waday kacdoonno hubeysanaa.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah, hub ka dhis, kala diris lagu sameyn doono dagaalamayaasha ONLF iyo dhaqan celin loo sameyn doono dagaalyahanada ONLF.

Waxaa mashruucaan dhanka dowladda Itoobiya u hoggaamin doona wasiirka ciyaaraha Itoobiya Tesfeye Yegesu oo RW Cabbeey Axmed wakiishay.

Waxaa sidoo kale laga shaqeynayaa sidii dagaalamayaasha ONLF markii dhaqan celin loo sameeyo loogu biirin lahaa hay’addaha amniga ee Itoobiya.

Hadalsame Media