”Ninkii tabar yar Bariga Dhexe ma wada joogi karno” – Netanyahu oo jebiyay rikoodhka kibirka & dalal uu u hanjabey + Sawirro

0

(Negev) 29 Agoosto 2018 – Israel ayaa ku gooddisey inay ka hortegi doonto joogitaanka Iiraan ee Suuriya, iyadoo ku faantay inay adeegsan doonto isla xeeshii ay ku wiiqdey heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, kuna gooddisey inay “jab gaarsiinayso, cid kasta oo soo doonata,” sida uu qabo Raysal Wasaaraha dafaaniga ah ee Benjamin Netanyahu oo ka khudbaynayay wershad nukliyeerka ku shaqaysa oo ay Yuhuuddu leedahay.

Bariga Dhexe “maaha meel uu daciifku ku noolaan karo. Daciifku wuu jabayaa, la goowracayaa ama taariikhda ayaaba laga masaxayaa, halka midka adagi, xumaan iyo samaanba uu noolaanayo,” ayuu yiri Netanyahu oo ka hadlayay wershaddan oo ku taalla lama degaanka Negev oo loogu magac daray RW hore ee Shimon Peres.


“Qofka adag waa la ixtiraamaa, isbahaysiyada waxaa lala samaystaa midka adag, ugu dambaynna, heshiis nabadeed waxaa lala galaa qofka adag.” ayuu yiri.

“Balse cadowgeennu waa ogyihiin waxa ay Israel awooddo. Waa ka dheregsan yihiin siyaasaddeenna. Kii isku daya inuu wax na yeelo – annaguna waan waxyeellaynaynaa,” ayuu ku daray, isagoo sheegay inaysan u joojinaynin Iiraan iyo Suuriya si kasta oo ay isu bahaystaan, si dadbanna u sheegay inay wax la wadaan dalalka Khaliijka oo badanaa ku caan ah inay raaciyad u yihiin siyaasadda Maraykanka.

Israel oo aan saxiixin heshiiska faafin la’aanta hubka nukliyeerka ayaan qiran ama beenin inay haysato hubka nukliyeerka, tiiyoo laakiin la aaminsan yahay inay haystaan 80 ilaa 400 oo madax oo nukliyeer ah.

Hadalsame Media