Ganacsato lagu xiray Magaaladda Xarardheere ee gobolka Mudug

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2018 – Ururka Al-Shabaab ayaa xir xiray ganacsato Soomaali ah Magaaladda Xarardheere ee gobolka Mudug sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo laga helay deegaanka.

Ugu yaraan toban ruux oo ganacsato ah ayaa la xiray sida ay sheegeen dad ku dhaqan Magaaladda Xarardheere.

lama oga sababta loo xiray ganacsatadaan, hase ahaatee ururka Al-Shabaab ayaa sii xoojiyey cadaadiska ay ku hayaan dadka ganacsatada ah ee ku nool deegaanada ay maamulaan.

waxaa sidoo kale la sheegayaan inay Al-Shabaab la wareegeen gaadiid waaweyn oo ay lahaayeen ganacsatada la xirxiray.

hadalsame Media