Diyaarad duqeyn ka gaysatay meel u dhaw Muqdisho (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2018 – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamadeeda ku sugan Afrika ay fuliyeen duqeyn cusub oo dhanka cirka ah oo dhacday meel u dhaw Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM kaasoo saldhigiisu yahay dalka Chad ayaa sheegay maanta oo Arboco ah in ciidamadooda ay fuliyeen hawgal dhanka cirka ah taariikhdu markii ay ahayd 27-kii bishaan Agoosto.

Weerarka ayaa dhacay meel 40 kilomitir u jirta Magaaladda Mudisho waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab sida ay sheegayaan wararku.

AFRICOM ayaa sheegtay inay qiimeyn doonto in hawlgalku u dhacay sidii la rabay islamarkaana uu haleelay bartilmaameedkii loo dan lahaa oo aysana sidoo kale wax dhib ah ka soo gaarin shacabka.

AFRICOM waxay si hor u dhac u sheegtay in sadex ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarkan ugu dambeeyey.

Hadalsame Media