DAWANKII DAGAALKA: Ruushka oo maraakiibtii ugu badnayd u diray Suuriya jeer la hadal hayo duqayn kale oo Maraykanka ka timaadda + Sawirro

0

(Moscow) 29 Agoosto 2018 – Ruushka ayaa soo dumay maraakiibtii dagaal ee ugu badnayd oo uu u diray Suuriya, tan iyo markii uu ku lug yeeshay dagaalka Suuriya, jeer la isla dhexmarayo inuu Maraykanku raadinayo marmarsiinyo uu ku duqeeyo dalkaasi.

Maraakiibta uu Ruushku soo diray ayaa ka kooban laba gujis iyo ugu yaraan 10 markab dagaal oo nooca sabbeeya ah oo haatan dhex mushaaxaya Badda Dhexe iyagoo ku wajahan dalka Suuriya.


Maraakiibtan, ayaa waxaa ku rakiban gantaalaha riddada fog iyo kuwa la hago, oo ay sidaan maraakiib ay ka mid yihiin Admiral Grigorovich iyo Admiral Essen, kuwaasoo lasoo sawiray iyagoo ka gudbaya buundada Bosporus ee ku taalla magaalada Istanbul oo ku taalla badda Black Sea Jimcihii.


Hadalsame Media