(Muqdisho) 29 Agoosto 2018 – Madaxwaynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Illeey iyo lix xubnood oo ka tirsanaa maamulkiisii ayaa wajahaya Maxkamadeyn sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaaladda Addis Ababa.
Warbaahinta Itoobiya ayaa maanta oo Arboco ah baahisay in Cabdi Illeey ka soo hor muuqday Maxkamad iyadoo sidoo kale lix kale oo xubnood oo maamulkiisii ka tirsan iyana la maxkamadeynayo.
Wali ma uusan dhicin wax xukun, hase ahaatee waa la filan karaa waqti kasta.
Cabdi Illeey iyo xubno badan oo ka tirsan Maamulkiisii waxaa loo haystaaa dambiyo culus oo ay ka mid yihiin isku dir bulsho, dil sharci darro ah iyo kicin bulsho.
Waxaa xarigiisa soo dhaweeyey Jabhadda ONLF iyo sidoo kale Hay’addaha u dooda xaquuqul Insaanka sida Human Rights Watch.
Hadalsame Media