(Milano) 28 Agoosto 2018 – Laacibkii hore ee AC Milan ee Ricardo Kaka ayaa berri kasoo degi doona magaalada Milano, si uu u bilaabo “barashada” sida koox loo maamulo, isagoo kaashanaya saaxiibbadii Leonardo iyo Paolo Maldini, si xil looga dhiibo kooxda Rossoneri.
Hilinka Sky Sports, ayaa wuxuu baahiyay in kooxda Aldo Rossi ay Kaka ka dhigan doonto mid u muraaqibeeya laacibiinta kasoo baxaysa South America, maaddaama uu ku nool yahay dalka ugu wayn mandiqaddaasi oo ah Brazil.
Kaka oo ah nin qoys ayaa marar badan ku celceliya sida uu u jecel yahay inuu qoyskiisa la noolaado sidaa darteed shaqadani waa mid anfacaysa maaddaama aysan qoyskiisa ka fogaynaynin.
Yeelkeede, waxaa wax badan la ogaan doonaa marka ay isla fariistaan Leonardo iyo Maldini iyo asaga, wuxuu kale oo uu Kaka goobjoog ka ahaan doonaa munaasabadda Monaco ee Jimcaha lagu samayn doono isku aadka Champions League iyo Europa League.

Hadalsame Media