Nin isagoo madow oo qaxooti ah xisbi intaaba neceb galay & wixii ka raacay!!

0

(Munkfors) 28 Agoosto 2018 – Jonas Chongera waxaa uu dhowr sano ka hor ku biiray xisbiga cunsuriga dalka sweden ee la yiraa SD ama Sverigedemokraterna.

Ujeedka ku xambaaray inuu ku biiro laftiisu la yaab buu lahaa, waayo wuxuu ku doodaayay in dalka Sweden qaxooti badani yimi loona baahan yahay in wax laga qabto oo la yareeyo, tiiyoo uu isaguba qaxooti yimid yahay.

Xisibga SD ayaa Chongera ka dhigay xil-dhibaan shimbira dhowr ah oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada uu degan yahay. Balse waxaa inta badan loo rukumay kelmado cunsuriyad xsmbaarsan sida “Addoon liita baad tahay” iwm, taasoo weliba uga imanaya rag kala tirsan golaha degaanka Munkfors.

Waxaa uu xisbigiisii cunsuriga kala kulmay cunsuriyad aad u weyn, taasoo aanu saaxiibada xisbigiisa marna ka fileynin, haa ugu yaraan, asagu ma filaynin. Hadda ninkii Chongera caayay oo ah Lars Asplund, wuu iskaga baxay xisbigaa, balse waxaa weli niyad jabsan Chongera, taasoo ay siyaabo kala geddisan uga hadashay saxaafadda Sweden.

Cabdi-Risaaq Xuseen

Hadalsame Media