(Hadalsame) 28 Agoosto 2018 – Dhulkan aad arkayso ee kaynta noqday, ee damallada waaweyni qariyeen, waa Istaadiyow Muqdisho oo ahaa garoon isboorti casri ah kii keliya ee weligeed Soomaalidu yeelatay. Tartannada gobollada, kuwa naadiyada heerka kowaad, ciyaaraha xulka qaranka iyo tartannada qaaradda iyo caalamkaba waa la gu qaban jiray.
Xusuusta u gu horreysay u guna weyn ee aan anigu ka haystaa waa ciyaarihii Jaamacadda Carabta 1980, gaar ahaan ciyaartii dhammaadka oo ay Soomaaliya iyo Ciraaq ku kulmeen iyo wacdarihii Maxamed Ismaaciil. Ciyaar kale oo aanan illaawayni waa 1987, maalintii uu Jamaal-Gadari oo Togdheer u safnaa Cabdixaaq iyo Kismaayo cawska cunsiiyay.
Garoonkan waxaa kale oo la gu qaban jiray bandhigyada iyo bannaanbaxyada siyaasadeed. 1981 waan fadhiyay aniga oo dugsigayga la socda maalintii uu Maxamed Siyaad Barre sheegayay siyaasaddiisa cusub ee ahayd Bari ka guur oo Galbeed u guur. Halkaas buu maalintaa ka sheeqay in uu Maraykan la saaxiibay oo Berbera saldhig millateri ka siiyay.
Maalintaa aad buu isu la weynaa oo u faanayay. Wax uu u faanayay Mingistu Xayle Maryam oo uu lahaa dadkiisii wuu qashay aniguna waa anigaa dadkaygii nabad ku dhex jooga. “Bal car sidaydaa dadkiisa ha soo dhex joogsado”, ayaa hadalkiisa ku jirtay.
Maalin kale sannadkii 1989-kii, oo aan dalka ka maqnaa, Istaadiyow Muqdisho wax uu ahaa goobtii u gu dambaysay ee uu Maxamed Siyaad dadweyne ka la hadlo. Waa maalintii khudbaddiisa la gu oriyay, dabadeed duubcastiisu dadweynaha rasaas oodda ka ga qaadday ee dadka badan gumaadday. Wax ay ahayd dhacdadii bilawga u ahayd dhiirrashada reer Muqdisho.
Garoonkan beri dambe waxaa xarun dagaal ka dhigtay qaar ka mid ah kooxihii qabiilooyinka. Mar kale Midowgii Maxkamadaha. Mar saddexaad Xabashida. Imikana waxaa ka guuray Amisom. Dabadeed dadweyne qiiraysan baa saaka masaaro iyo badiillo soo gurtay oo kayntii jiqda ahayd xagaafaya, bal in mar kale meeshu muuqaal garoon yeelato, waana ay yeelan doontaa.
Istaadiyow Muqdisho waa astaanta iyo madxafka nool ee la ga daawan karo qaranjabka Soomaaliya.
W; Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf
Hadalsame Media