(Moscow) 28 Agoosto 2018 – Maraykanka ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu sameeyo weerar beenaad kiimiko ah, si uu duqayn ugu gaysto ciidamada dalkaasi Suuriya, sida ay sheegayso Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka.
Warkan ayaa imanaya ka gadaal markii ay Ruushku dorraad sheegeen inay dareemayaan daandaansi ka imanaya dhanka ciidamada Maraykanka, gaar ahaan gobolka Idlib, iyagoo tilmaamay inuu Maraykanku qorshaynayo inuu labada dhinacba isagu ka dheelo.
Maraykanka ayaa horay u sheegay inuu weerar rogaal celis ah qaadi doono mar kasta oo sida uu yiri ay ciidamada dowladda Suuriya ay dadkooda ku ”weeraraan” hubka halista ah ee kiimikada, weliba weerar ka daran midkii ay bishii Abriil sameeyeen dalalka Maraykanka, Britain iyo Faransiiska, iyadoo kiimikadaa lafteeda, ay dad badani qabaan inay isla Maraykanku allifeen oo abaabuleen.
The US may have plans to use a fake chemical attack in Syria to hit government forces with airstrikes, the Russian Defense Ministry has said. Washington is already building up strike capability in the Middle East, it said.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo la socota dhaqdhaqaaq cusub oo ay sameeyeen ciidamada Maraykanka, ayaa sheegaysa in uu soo ruqaansaday markabka burburiyaha ah ee USS Ross oo sida 28 gantaal oo Tomahawk ah, waxaa isna dhanka Gacanka Persia soo aadey iyo markabka USS The Sullivans, halka saldhig ciidan oo uu Maraykanku Qadar ku leeyahay la keenay bomber-ka wayn ee istaraatijiga ah ee B-1B Lancer.
Hadalsame Media