HRW oo ka hadashay xariga Cabdi Illeey

0

(Muqdisho) 28 Agoosto 2018 – Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa soo dhaweysay xariga Madaxwaynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Illeey.

Hay’adda ayaa sheegtay in tallaabada laga qaaday Cabdi Illeey ay noqon karto mid hor dhac u ah isla xisaabtan iyo cadaalad dan u ah dhibanayaasha wax la yeelay intii uu jiray maamulkii deegaanka Soomaalida ee Cabdi Illeey hoggaaminayey.

“Waxaan rajeynayaa, in xarigga Cabdi Maxamuud Cumar uu bilow u noqdo cadaallad u raadinta dhibanayaasha iyo dembiyada culus ee ka jira gobolka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa in ay madaxda federaalku hubiyaan in maxkamdeyntu noqonto mid hufan, marqaati furayaasha-na awood u heli karaan iyaga oo aan cabsan n ay ka hadlaan gafafkii dhacay’’ ayuu yiri lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda.

Human Rights Watch ayaa goor sii horeysay ku eedeysay Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciidamada Liyuu Booliiska in ay ku kaceen gabood fallo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waxaana ay ka codsatay dowladda dhexe ee Itoobiya in tallaabo laga qaado kuwa dhibaatada gaystay.

Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa shalay xabsiga dhigay Cabdi Maxamuud Cumar kadib markii ay kala baxeen gurri ku yaala Magaaladda Addis Ababa.

Hadalsame Media