(Washington, DC) 28 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa matoorka ugu wayn adduunka ee internet-ka wax ka baara ee Google ku eedeeyay inuu si ula kac ah usoo dhufanayo warar wada xun oo maamulkiisa ku saabsan marka ay dadku search-gareeyaan wararkiisa, isagoo sheegay inay “sidaa ku koontaroolayaan waxa ay dadku arki karaan ama aysan arki karin” , kuna gooddiyay inay tillaabo qaadi doonaan.
“Natiijada baarista Google ee ‘Wararka Trump’ waxay muujinaysaa inay dadka tusayaan/u werinayaan wararka saxaafadda beenta badan, sidaa ayayna nagu khiyaameen aniga iyo dad kale, sidaa darteed war kasta waa mid XUN,” ayuu madaxwaynuhu kusoo qoray Twitter.
….results on “Trump News” are from National Left-Wing Media, very dangerous. Google & others are suppressing voices of Conservatives and hiding information and news that is good. They are controlling what we can & cannot see. This is a very serious situation-will be addressed!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) August 28, 2018
“Google & iyo hay’ado kale waxay hoos u dhigayaan codadka muxaafidka, waxayna qarinayaan xogaha iyo wararkooda wanaagsan,” ayuu daba dhigay. “Waxay xakamaynayaan waxa aan arki karno ama aynaan arki karin. Waa xaalad halis ah, waana laga hadli doonaa!” ayuu ku gooddiyay Trump.
Google search results for “Trump News” shows only the viewing/reporting of Fake News Media. In other words, they have it RIGGED, for me & others, so that almost all stories & news is BAD. Fake CNN is prominent. Republican/Conservative & Fair Media is shut out. Illegal? 96% of….
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) August 28, 2018
Hadalsame Media