(Roma) 28 Agoosto 2018 – Taageerayaasha kooxda Lazio gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Curva ayaa waraaq yarayaal u qaybiyay daawatada, iyagoo dumarka u sheegaya inaysan usoo dhowaanin qaybta ay garoonka ka fadhiyaan, ama ay qaybta gadaale fariistaan.
Arrintan oo ka yaabisay xiriirka kubadda cagta Talyaaniga ee FIGC, ayaa haatan baaris lagu wadaa, halka uu booliiska Talyaanigu bilaabay baaritaan ku aadan sinji kala sooc loo gaystay haweenka.
Weeraryahanadda xulka gabdhaha Talyaaniga, Carolina Morace ayaa shilkan ku tilmaantay “mid muujinaya in dib loogu noqday Casri Jaahiligii” iyadoo nidaamiyayaasha garoomada kubadda cagta dalkaasi ugu baaqday inay garoomada ka eryaan taageerayaasha arrintan ku lug yeesha.
Taageerayaasha Lazio ayaa lagu tilmaamayaa, kuwa caadiyan ugu cunsurisan Talyaaniga, iyadoo marar badan horay loogu ganaaxey waxyaabo ay ka mid yihiin madoow iyo Yuhuud nacayb, nidaamka Fajiistaha iyo Nazi-ga oo ay amaanaan iyo qalalaase abuur.
Hadalsame Media