(Milano) 28 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan ayaa Sabtigii waxaa guuldarro xanuun badan u saarisay kooxda SSC Napoli oo 3-2 uga badisay, waxa dhaawaca Milan cusbada sii marinayana waa in ay ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-0 mar ay 30 daqiiqo ka harsanayd.
Yeelkeede, hilinka Milan TV, ayaa baahiyay war ku saabsan in sanadkan 2018 aysan kooxda Rossoneri wax guul ah dhadhamin marka uu ka maqan yahay laacibka kubadda qaabeeya ee reer Turkey, Hakan Calhanoglu.
Sanadkan 2018, Milan 3 jeer ayay garoonka gashay iyadoo uu ka maqan yahay diyeeshaha reer Turkey, waxayna la dheeshey Torino, Benevento iyo Naples oo ay ka keensatay hal barbarro iyo laba guuldarro.
Hadalsame Media