(Muqdisho) 28 Agoosto 2018 – Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta si rasmi ah uga baxay garoonka Stadium Muqdisho ee Magaaladda Muqdisho.
Boqolaal dadwaneha Magaaladda ka tirsan ayaa farxad darteed u yimid garoonka markii ay ka dhamaadeen saakaddii hore ciidamada AMISOM.
Shacabka ayaa aad u soo dhaweeyey ka bixitaanka AMISOM ee Garoonka waxaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in sida ugu fudud uguna dhaqsiyaha badan loo dayactiro garoonka.
Stadium Muqdisho waxaa uu qaadaa in ka badan 40 kun oo ruux waxana 10 tobbankii sanno ee ugu dambeeyey gacanta ku hayey ciidamada AMISOM iyadoona garoonku soo maray marxalado kala duwan intii lagu jiray colaadihii sokeeye.
Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay booqasho ku tagay garoonka Stadium Muqdisho ayaa la sheegay in booqashadiisu qeyb ka ahayd in dowladda Soomaaliya si rasmi ugala wareegtay Garoonka ciidamada AMISOM.
Hadalsame Media