WARBIXIN: Cabbeey Axmed oo lagu tilmaamay Raysal Wasaarihii IGU-SAWIRTA!! + Sawirro

0

(Adis Ababa) 27 Agoosto 2018 – Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Cabbeey Axmed ayaa sidii dabayshii u dhex jibaaxay gobolka qalaanqalka badan ee Geeska Afrika, wuxuu mar qura noqday nin mandiqadda oo dhami hadal hayso, waloow ay dadka qaar siyaasaddiisa ku tilmaameen midabbo qaanso roobaad ah oo uun ka samaysmay roob yar oo shuux ah oo meel gees ah ka da’aya oo ay fallaaro qorrexeed dhex mareen.

Waxay dabcan dhaliishaasi daba socotaa sida aanu u maaraynin dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin ismari waa dhiigle ah oo ka dhex socda Soomaalida & Oromada oo ay si lama filaan ah isu qabadsiiyeen Tigreegii xukunka laga tuuray oo aanu si ku filan u xalliyin.

Warbixin dheer oo uu ninkan ka qoray hilinka reer Maraykan ee CNN ayaa aad loogu qaadaa dhigay waxyaabihii uu sameeyay tan iyo markii uu qoor qooraystay siyaasadda quwadda la isku muquuniyo ee dalka Itoobiya.

CNN ayaa se u qanjiiriyay, isagoo sheekada uu ka qoray cinwaan-hoosaad ka tirsan ka dhigay ”Raysal Wasaarihii igu sawirta”, isagoo ka hadlay is dhexgalka uu la sameeyo taageerayaashiisa iyo xitaa madaxda uu la kulmo.

”Cabeey sinaba uma shabboho kuwii ka horreeyay, wuxuu hab siiyaa siyaasiyiinta, wuxuu sawirro ”selfie” ah la galaa taageerayaashiisa, kaliyana uma dhoollacaddeeyo kaamirada ee iyada dhan buu ifiyaa. Halku dheggiisa Itoobiya waa sidatan: ”Dumiya derbiyada oo buundooyin isku kiin xira dhisa.” ayuu yiri CNN oo ay warbixintan u diyaarisay .

Hadalsame Media