Waan tuugsanaa si aan u helno wax aan cunno: (Warbixin+Sawirro)

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2018 – Waxaa sii kordhaya haweenka carruurtooda kala baxsanaya wadanka Venezuela kuwaas oo nolol wanaagsan ka raadsanaya dalalka kale ee deriska  ee Latin America.

Mid ka mid ah waalidiinta la baxsanaya carruurtooda oo lagu magacaabo Elisabeth Hernandes oo 25 sanno jir ah waxay ku hoyataa gidaar yar oo ku dhaw meel Kanisad ah Magaaladda xadka ku taala ee dalka Colombia ee la yiraahdo Cucuta.

“Waxaan dalkeena Venezuela uga cararnay faqri, Gaajo iyo shaqo la’aan,” ayey tiri Elisabeth Hernandes

Waxay ku calaacashay inaysan haddana haysan nolol wanaagsan laakin ay kaga roon tahay tii dalkeeda ay kaga soo carartay. Waxay wadataa carruur aad u yar yar waxayna mararka qaar kood ka tuugsataa magaaladda si ay ugu hesho carruurteeda cunno billaash ah.

“Ilmahaan aabahood waa na deyriyey oo waa naga tagay intii aanan ka soo cararin dalkeenii Venezuela bil kahor,” ayey tiri Elisabe oo u waramaysay Sky news

Hadalsame Media