Toogasho ka dhacday Florida, Mareykanka

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2018 – Ugu yaraan sadex ruux ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday Magaalo ku taala gobolka Florida ee dalka Mareykanka maanta oo Isniin ah sida ay sheegeen Boolisku.

Nin Hubeysan ayaa rasaas ooda uga rogay gole dhisme madadaalo sida ay sheegeen dad joogjooyaal ah waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan labo ruux iyadoona markii dambe uu isdilay ruuxii weerarka gaystay.

Weerarka oo ka dhacay xaafadda Jacksonville ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyey 7 qof.

Waxaa socda baaritaan hor u dhac ah, iyadoona ninka weerarka gaystay lagu sheegay magaciisa David Katz, oo  24 jir ah kana soo jeeda deegaanka Baltimore ee isla dalka Maraykanka.

Hadalsame Media