Soomaaliya iyo Japan oo wada hadlay (faahfaahin)

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2018 Agaasimaha waaxda iskaashiga Caalamiga ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Salaad Xasan ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiin ka tirsan wakaaladda horumarinta caalamiga ee Japan oo loo soo gaabiyo “JICA”,

Dhinacaydaan ayaa ka wada hadlay iskaashi laba geesood ah si guulo looga gaaro waxyaabaha laga wada hadlay.

Waxyaabaha sida qotada dheer looga hadlay waxaa ka mid ahaa in la sii dhaqaajiyo heshiisyadii horey ay labada dal u galeen.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey wadahadaladan cusub ee dowladdaha Soomaaliya iyo Japan.

Hadalsame Media