QISO DHAB AH: Waardiye baabuur bilyanneer isu beddeley! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2018 – Halyeeyga Qisadan waa “Do Won Chang” kaas oo ku dhashay Koonfur Kuuriya Sanadku markii uu ahaa 1954-kii, markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare waxa uu ku riyoonayay in uu waxbarashada meel sare ka gaaro ilaa heer jaamacadeed lkn waxa uu ahaa sabool uma aysan suurto galin in uu ku biiro jaamacad.

Waxa uu ahaa mid si adag u shaqeeyo kaas oo nasto waqti yar, waxaa u suurto gashay in uu aruursado lacag yar oo kuu ku furtay goob uu ku iibiyo Shaax, Qaxwo iyo Casiir oo ku taal xaafad ka mid ah xaafadaha Magaalada Seoul ee Caasimada Wadanka Koonfur Kuuriya.

Asaga oo xaaladiisa dhaqaale aysan wacneen ayuu guursaday. Xaaskiisa iyo asaga waxa ay iskula shaqeynaayeen si adag si ay u xaqiijiyaan riyadooda oo ah in ay u hijroodaan America!!!.

Waxa ay bilaabeen in ay aruuriyaan lacag kasta oo soo gasha ilaa lacagtu ay gaartay ama ay noqatay mid geyso America kadib sadax sano oo ay ka shaqeynayeen goobtii yareed.

Waxa ay gaareen Los Angeles wax shaqo ah ma aysan helin mudo ayaga oo ku noolaa lacagtii ay kusoo tabceen Seoul. Labo dhibaato ayaa iskugu darsantay Chang iyo sxbtiis, tan koowaad waa ma aysan ahayn kuwo garanayay Luuqada English-ka, tan labaad waa ma aysan heysan Lacag ku filan oo ay ku abuuran kareen mashruuc cusub.

Si ay kaga baxaan Nolosha cariiriga ah asaga iyo xaaskiisa, Chang waxa uu ku dhaqaaqay in uu sameeyo talaabo ay adagtay in ay sameeyaan dadka waana in uu ka shaqeeyo sadax shaqo oo kala duwan kuwaas oo kala ahaa, Maqaaxi, Kaalin shidaal iyo Goob baabuurta la dhigto, tani waa ragtinimada dhabta ah!!……, 4 sano ayuuna ka shaqeynaayay sadaxdaas shaqo.

Aadanuhu hadii uu yool leeyahay uuna doono in uu gaaro, dadaalna uu la yimaado wax hor istagi karo ma jirto oo aana geeri ka ahayn.

Wax yaabaha cajiibka ah ee Do Won Chang uu sheegay waxaa ka mid ah asaga oo ka sheekeynayay qisadiisa, in uu weydiin jiray Shaqsiyaadka iska leh baabuurta qaaliga ee la dhigo goobta uu waardiyaha ka yahay “Maxaad ka shaqeysaa?”. 90% dadkaas waxa ay ugu jawaabayeen “Waxaan ka ganacsanaa dharka”.

La soco qeybta 2aad iyo sida uu ku biloowday ganacsiga Chang iyo heerka uu maanta joogo.

W; Diyaariyay: Bashiir Axmed

Hadalsame Media