(Muqdisho) 27 Agoosto 2018 – Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo shalay loo dhaariyay xilka madaxweynenimo iyo kamid noqoshada xisbiga talada haya ee dowlad deeganka Soomaalidaayaa soo gudbiyey qorshe hawleedkiisa muddada uu xilka hayn doono.
Madaxweyaha ayaa shaaca ka qaaday barnaamijyo muhiim ah loo baan yahay in wax laga qabto sida ammaanka deegaanka, dhaqaalaha cadaaladda iyo wacyigalinta shacabka.
Mr. Musatafe sheegay inuu diiradda saari doono xal u helida colaadaha ka taagan qabaa’illada deegaanka iyo qowmiyaddaha kala ee deriska la ah deegaanka Soomaalida.
“Waxaan soo celin doonaa sareynta sharciga iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadweynuhu, waxaana la joojin doono awoodaha dheeriga ah ee ay yeelan karaa madaxda dowladda,” ayuu yir Madaxwayne Mustafe.
Doorashadiisa ayaa aad loooga soo dhaweeyey deegaanka Soomaalida oo dhibaato badan oo xagga bini’aadanimada ah ay dhaceen intii ay jireen maamuladii soo maray deegaanka.
Hadalsame Media