
(Manila) 27 Agoosto 2018 – Warbaahinta caalamka qaar kood ayaa baahiyey in lamaane u dhashay dalka Philiphines ay noqdeen kuwa sameyey guurkii iyo furriinkii ugu deg degga badnaa. Waxay sheegeen in gabar gashaanti ah ay nin ay is barteen xili ay ku beegnayd 1:30 duhurnimo, kadibna ay ku heshiiyeen inay isla maalintaa is guursadaan.
Waxaana wiilku gabadha ka doontay reerkooda saacadu markay ahayd 3:30 galabnimo, meherka gabadha ayaa isna dhacay 7:00 fiidnimo, halkaana waxaa ku dhameys tirmay guur koodi.
Yeelkeede, sida lagu warramay nus saac kaddib ayuu khilaaf xooggani soo kala dhex galay lamaanaha, iyagoo ku heshiin waayey waxa uu noqonayo aqal-galkoodu iyo wada noolaanshahooda.
Markii la is mari waayey ayay gabadhii maxkamad u dacwootey oo dalbatay in laga furo ninkaan oo aysan dooneyn, waxaana guurkaa iyo furriinkaba loo aqoonsaday ama loo diiwaan geliyey kii dunida ugu dhaqsaha badnaa!!
W; Diyaariyay: Ismaaciil Fanax
Hadalsame Media