(Muqdisho) 27 Agoosto 2018 – Wararka ka laga helayo Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xabsi la dhigay Madaxwaynihii xilka laga qaaday ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Illeey.
Telefeshinka Itoobiya ETV ayaa laga baahiyey muqaal cajiib ah oo ku saabsan xariga Madaxwaynihii DDSI ee deegaanka Soomaalida.
Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub la sheegay in laga helay gurriga uu ka daganaa Magaaladda Addis Ababa Abdi Illeey.
Ciidamada amaanka ee dowladda Itoobiya oo ku hubeysan qoryaha AK47 ayaa kala baxay gurri ku yaala Magaaladda Addis Ababa maanta oo Isniin ah waxayna imaanaysa maalin uun kadib markii xubno uu ka mid yahay Cabdi Illeey laga qaaday xasaanadii kadib kulan Baarlamaanka deegaanka Soomaalidu ku yeesheen Magaaladda Jigjiga.
Muqaalada laga baahiyey ETV ayaa sidoo kale la arkayey gaadiid loogu talagalay in lagu qaado Cabdi Illeey, waxaana wararka ku saabsan xarigiisa aad looga hadal hayaa baraha bulshada.
RW Itoobiya Cabeey Axmed ayaa dhawaan sheegay in sharciga la horgeyn doono qaar ka mid ah madaxdii maamulka deegaanka Soomaalida oo uu ka mid yahay madaxwaynehii hore Cabdi Maxamud Cumar.
Waxaa loo haystaa kicin iyo isku dir bulsho iyo sidoo kale xasarado dhexmaray qawmiyaddaha Oromada iyo Soomaalida.
Waxyaabaha kale ee aadka loogu eedeeyo maamulkii Cabdi Illeey waxaa ka mid ah gabood fallo baaxad leh oo bini’aadanimo kuwaas oo ka dhacay deegaanka Soomaalida.
Hadalsame Media