Dhismaha jidka Liido oo bilowday & arrin muhim ah oo lagusoo kordhiyay + Sawirro

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2018 – Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabatay laami saarista Waddada Liido ee Degmada Abdicasiis, ka gadaal markii lasoo dhamaystiray qaybtii dhismaha qaybta socodka lugta ee marsha-biyeediga.

Shaqada dhismaha oo ay fulinayso shirkadda Adeegyada Guud ee Kulmiye General Services Limited, ayaa markan dhismaha jidkan kusoo kordhisey inay jidka u dhaafto qaybta biya qaadka ee bullaacadda.

Arrinta bullaacadda ayaa ahayd arrin jidad badan dhibaato ku ah, gaar ahaan, marka uu roob badani da’o ee ay biyihii soo rogmadey jidadka isku salaamaan, iyadoo ay tani tahay hal tillaabo oo horay loo qaaday.

Hadalsame Media