(Hargaysa) 27 Agoosto 2018 – Waxay ahayd 14-kii bishan Agoosto kaddib markii ay Wasiir Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud iyo Banki lagu sheegay Maxtor Bank, oo sheegtay inuu yahay banki wayn, kaasoo maamulkaasi la galay heshiis is faham ah oo ku kacaya 1 bilyan oo doollar ah oo ”maalgelin ah”.
Heshiiskan oo ay xitaa saxaafaddu joogtey ayaa lakala saxiixday waraaqo ay ku qoran yihiin nooca maalgelinta la samaynaya, wax loo arkayay heshiis xitaa qarin kara midkii DP World. Halkan ka akhri…
Yeelkeede, waxaa jira madmadoow badan, waayo marka la eego qaabka ay u shaqeeyaan bankiyada Shiinuhu, waa kuwo ay maamulaan dad shacab ah, misna 50% waxaa saamiyadooda iska leh dowladda, taasina waxay dood gelinaysaa tirada iyo xajmiga wefdigii goobta yimid.
Arrinta kale ee middaa ka darani waa jiritaanka bankigan oo ay doodi ka joogto, sida ku qoran Somaliland Chronicle Guddiga Sharciyaynta Shiinaha ee China Securities Regulatory Commission (CSRC) iyo Bank of China ayaa isku dayay inay helaan xogta Maxtor Bank, waxaana soo daahirtay inuusanba jirin bankigaasi, isla markaana aanu iyaga u diiwaan gashayn.
Maaddaama ay badan tahay maalgelin ku kaceeysa 1 bilyan marka la eego duruufta Somaliland waxaa muuqanaysa in Wasaaradda Maalgashigu aanay samaynin baaritaanka iyo hubinta loo baahnaa (due diligence), si ay u hubiyaan cidda ay la macaamilayso.
Somaliland ayaa horay u gashay dhowr heshiis oo mugdi ku jiro oo ay la gashay sharikaad qalaad iyo xitaa kuwo maxalli ah, sida midkii kalluumaysiga ee ASR iyo wareejintii Kaydka Shidaalka Berbera oo dad gaar ah la siiyay, kaasoo uu gebi ahaanba dhowaantan kansalay madaxwaynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.
Hadalsame Media