(Muqdisho) 27 Agoosto 2018 – Madaxa sirdoonka dowladda Suudaan ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin ku yimid Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sida ay sheegayaan illo xog ogaal ah u waramay warsidaha Hadalsame Media
Agaasimaha laanta sirdoonka Suudaan Saalax Cabdallah Maxamed oo ku magac dheer Saalax Goosh ayaa si qarsoodi ah ku yimid Magaaladda Muqdisho maanta oo Isniin ah waxaana loo galbiyey isaga iyo xubnihii kale ee la socday xarunta Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho.
Halkaas ayaa waxaa ka dhacay sida la sheegay kulamo ay yeesheen xubnaha ka yimid Suudaan iyo saraakiil ka tirsan Muqaabaraadka Soomaaliya.
Agaasimaha sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa ka mid ah saraakiisha la kulantay madaxa sirdoonka Suudaan ee Muqdisho yimid.
Ammaanka caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana ciidamo cusub lagu daadiyey waddooyinka iyo isgoysyada muhiima ah ee Magaaladda.
Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo agaasime kuxigeenka hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Fahad Yaasiin ayaa la aaminsanyahay inuu xariir wanaagsan la leeyahay dowladdaha Qadar iyo Suudaan, waxaana jira warar sheegaya in booqashada agaasimaha sirdoonka Suudan Salaax Goosh ee Muqdisho uu qeyb ka yahay qorshe dowladdaha Suudaan iyo Qadar taageero ku siinayaan hay’addaha ammaanka ee Soomaaliya.
Hadalsame Media