Kullamo ka tirsan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo la ciyaari doono

0

(Muqdisho) 26 Agoosto 2018 –  Waxa weli si habsami leh garoomada kubadda Cagta ee Koonis iyo Jaamacadaha si toos ah uga soconaaya koobka degmooyinka gobolka Banaadir kaas oo ka xiisa badan kuwii hore.

Galabta ayaa la filayaa in kullamo xiiso badan ay dhacaan, iyadoo ay is arki doonaan afar degmo.

Jaamacadaha waxaa ku ballansan Shibis iyo Xamar Jab Jab, halka Banaadir ay ku ciyaari doonaan Kaaraan iyo Howl Wadaag.

Tartanka ayaa furmay jimcihi aynu soo dhaafnay waxaana wali uu maraya heer billaaw ah markii la eego heerka guruubyada.

Hadalsame Media