(Muqdisho) 26 Agoosto 2018.Waxaa lagu wadaa in galabta in uu si rasmi ah u furmo tartanka degmooyinka Galmudug, oo lagu ciyaarayo garoonka C/laahi Ciise.
Lix demo ayaa ka qayb qaadanaysa oo loo qaybiyay laba guruub, waxaana kullanka furitaanka wada ciyaari doona Gaalkacyo Balanballe.
Dhuusomareeb oo liiskaan ku jirta ayaa shaki laga galinayaa a in ay soo xaadiri wayso, mahadaama tartan kale oo degmooyin ah laga qaban qaabinayay isla Dhuusomareeb.
Qaabka ay isugu guruub noqdeen degmooyina
Group A Hobyo, Cadaado Cabudwaq
Group B Gaalkacyo Balanballe Dhuusomareeb.
Hadalsame Media