(Abuu Dabeey) 26 Agoosto 2018 – Dalxiisayaasha tegaya Imaaraadka Carabka xilliga xagaaga, ayaan hadda kaddib u baahan doonin inay lacag ka bixiyaan dal ku galka carruurtooda iyo dadka kale ee iyagu mas’uulka ka yihiin ee 18-jira ama ka yar.
Sida ay ku dhawaaqday dowladda dalkaasi Imaaraadka, waxaa qorshahan visa dhaafka ah la heli karaa inta u dhaxaysa 15-ka Luulyo ilaa 15-ka Sebtembar ee sanad kasta, taasoo keenaysa inay kordhaan dadka dalkaasi booqanaya. Halkan ka akhriso isbedello horay loo sameeyay.
Go’aankan ayaa waxaa kasii horreeyay mid dadka transit-ka ah looga dhaafay inay bixiyaan wax lacag VISA ah 48-ka saacadood wixii ku siman, marka ay dalka gelayaan, waana arrin ay soo dhoweeyeen shirkadaha ka shaqeeya duullimaadyada ama safarrada agaasima.
Dal ku galka deg degga ah ee 14 maalmoodlaha ihi wuxuu joogaa caadiyan Dh497 madaxiiba, halka midka 30 maalmoodlaha ah ee uu qofku dhowr mar bixi karo soona geli karo uu joogo Dh917 haddii uu qofku online ka iibsado.
Yeelkeede, dal ku galka ay dalxiisayaashu u badan yihiin waa 90 maalmoodle uu qofku dhowr mar bixi karo soona geli karo dalka (multi-entry tourist visa), wuxuuna ku kacayaa Dh945.
Ha yeeshee wixii haatan ka dambeeya qoyskii ka kooban 4 qof (laba waalid & laba carruur ah) halkii uu ka ahaan jirey Dh3,780, wuxuu noqon doonaa Dh1,890, oo aysan canshuurtu ku jirin,” sida ku qoran Musafir.com.
FG: DH, waa halbeegga lacagta Dirhamka ah ee Imaaraadka.
Hadalsame Media