Golaha adeegga garsoorka Soomaaliya oo la dhisayo

0

(Muqdisho) 26 Agoosto 2018 – Baashe Yuusuf  oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso qorshaha lagu dhisayo golaha adeegga garsoorka dalka.

Qorshahaan dib u habeynta garsoorka ayuu ku sheegay inay qeyb ka tahay barnaamij balllaaran oo dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku hagaajiso hanaanka cadaaladda dalka.

Waxaa uu sheegay in maxkamadda sare ee dalka ay u sii shaqeyn doonto sidii maxkamadda Dastuuriga, markay timaado in la isku qabto qodobo dastuurka kamid ah inta laga dhisayo buu yiri maxkamada dasuurka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan Guddoomiye Baashe shaqada ka joojiyay xubno ka shaqeynayay maxkamadda sare ee dalka iyo garsoorka gobolka Banaadir, kuwaasoo u badnaa kaaliyayaal.

Hadalsame Media