Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Nambar dadka nafta u keenay (Sababta)

0

(Muqdisho) 26 Agoosto 2018 – Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda soomaaliya ayaa ka hadashay nambar qaatir laga taaganyahay oo dad badan sheegeen inuu soo waco inta badan habeenkii.

Arrintaan oo aad loo hadal hayey saacadihii ugu dambeeyey ayaa walaac ku abuurtay dadwayneha Soomaaliyeed ee gudaha ku nool oo sheegay inay ka welwel san yihiin in lacagaha teleefoonnada ugu jira lagala baxo. Nambar-kan ayaa u muuqda mid ka imaanaya dalka Austria.

Halkan ka Akhriso Qoraalka wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa.

Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.

Hadalsame Media