Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Garbahaarrey

0

(Muqdisho) 25 Agoosto 2018 – Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Rabshadahaan ayaa ka dambeeyey markii shalay magaaladaasi ay booqasho ku tageen wasiiro ka tirsan maamulka Jubaland.

Dibedbaxyo ballaaran oo ka dhacay Magaalada ayaa looga soo horjeeday booqashada wafdiga Wasiiradda ah, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah wasiirada la dhagax tuuray oo midkoodna la daqray.

Dadweynaha gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ee Jubaland inuu dayacay gobolkooda islamarkaana uusan ka hadlin xad-gudubyadda Kenya ka gaystaan gobolka Gedo.

Hadalsame Media