(Muqdisho) 25 Agoosto 2018 – Waxaa uu ka mid ahaa tiro Eeyo ah oo ku hoyda Xeebta Liido, waxaa sidaa aragtaan u galay askari u dulqaadan waayay dhawaqiisa/qeeyladiisa, waxuuna la dhacay xabbad sida idiin muuqata.
Ka sokoow in askarigaas ay khalad ku aheyd dilka xayawaankan oo ka mid ah kuwa uu waajibku ka saaran yahay, hadana siduu rabaa in uu ugu adeego bulshada uu qoriga u sito marba hadduu sidaan u dulqaad yaryahay?
Soow kama habbooneen in uu ugu yaraan la dhaco qoriga si uu uga fogaado? Soow majirin waddo kale uu iskaga aamusin karay isagoon nolosha qaaliga ah dhaafsiin?, Muxuu ku dilay Eeyga?!!!.
Dhamaanteen waajib ayaa naga wada saaran xayawaanadka ku nool haraaraheena, waxay leeyihiin naf iyo xuquuq la mid ah teenna ,waxay leeyahiin qoysas la mid ah kuweenna. Waxay leeyahiin limo ama carruur.
Dowladda Soomaaliya waxaa ka codsanayaa in askarigaasi la soo xiro cadaaladana la waafajiyo, iyadoo aan kaliya la eegaynin dhacdadan, balse la qiimaynayo dabci ahaan sida askari ay sidan ula sahlan tahay naftu aanu dadkana u turi doonin.
Ku dhowaad maalin kasta askarta dowladdu sidaa sahlan ayay dadkana u toogtaan. Weliba si sahlan oo aysan jirin baahi keenaysa inay qofka toogtaan.
Habeysane
Hadalsame Media